Posted by: haradigeed | August 24, 2009

Qaybi oo xukun!

Gumayste kastaa oo kusoo duula dal iyo dad, waxuu isticmaalaa kaartada ah “qaybi oo xukun” maxaa yeelay gumaysigu awood umale inuu muquuniyo dhaq-dhaqaaqa ay bulshadaasi rabto inay iskaga dulqaado heeryada dullaynta ee gumaysigu saaray.
Wuxuu kagalaa meelaha ay dadkugu ugu nugul yihiin, wuxuuna uqayb qaybiyaa, qabiilo iyo heer-heer. Dadka oy isku diraan, qaarra ay soo hubeeyaan waa waxa ay manta awooda saartay maxaysatada tigreegu. Gumaystada way ku adagtahay, inuu dhexgalo bulsho uu duulimaad kuqabsaday, sidaa daraadeed wuxuu bulshada ka xushaa, kuwa dhiig iyo caqliba ha aradan oo aan dareemin waxa lagu samayn dadkooda. Waxaana loo rartaa sida dameeraha. Ugu danbaynna iyaga ayaa ah kuwa kudanbeeya nolal xumada iyo raja la’aanta.

Kala qaybintii bulshada oo wayaanuhu islahaayeen waxay hakin kacdoonka shacabka ee ay JWXO hogaaminayso ayaa noqday mid aan midho dhalin laguna guul daraystay. Ilaa maalinkay Ogaadeeniya yimaadeen iyagoo lugayn, waxay bulshada inta ugu maskax gaabsan udhigayeen Cashirka qabyaalada iyo qolo-qolaynta.

Waxay iskudireen inta badan qabaa’ilka dagan Ogaadeenya, halkaasoo ay galeen dagaallo lagu hoobtay, kuwaasoo udhacay sidii uu gumaysigu u qorsheeyay. Waxaase fashilmay intaa inkabadan kadib markii ay jwxo isku dhabar jabisay qaboojinta colaado dhexmari lahaa dad walaalo ah, oo ay qasnadaha u soo cabaysay maxaysatada wayaanuhu.

Erayada ASASE IYO SABSABE ma ahaan kuwa kucusb bulshada Ogaadeeniya, waana kuwii lagu soo faruur maroojin jiray shacabka aan waxba galabsan ee kudhaqan Ogaadeeniya. Si qasab ah ayaa meel la isugu keenaa shacabka Ogaadeenia, ugu yaraan dhowr jeer bishii. Goobaha shirar-qasabka, waxaa bulshada la horkeenaa kuwa goobta ka akhriya Cashar loogu soo dhigay xerada ay ciidamada wayaanuhu kadagan yihiin meeshaas. Dadkuna wax badan kamaba soo qaadaan oo waa la is bartay. Marka ugu danbaysana waxaa meesha laga kaxaystaa dad koox ah, oo ah kuwii loo soo qoondeeyay, in la khaarajiyo. Waxna waa lalaayaa, waxna dhuuniqaatayaasha ayaa isla goobtaa kuxukuma xabsi udhexeeya 10-20 sano.

Kuwa manta jooga safaarada gumaysiga ee London, waxay uun wadaan qorshihii ka dhici jiray magaala kasta oo Ogaadeniya kutaal. Sida laga yaabo inaad wada aragteen waxa ay ugu yeedheen “press release” ama war murtiyeed kasoo baxay Dabaqoodhiga loo diray qurbaha, waxaa ku xusan inay la kulmeen qabaa’illo. Tiro iyo magacyo qabiilo ayayna soo qoreen taas oo ka turjubaysa sida ay ugu diyaarka yihiin inay fuliyaan waajibaadka saran ee uu dhawaan malize ka xisaabin doono oo ah, sida ay dadka isugu soo direen una soo kala qaybiyeen.
Waxaase hubaal ah, inaayna ahayn mid uga dararin doonto qorashooda gumaysi. Qolyaha manta la soo lugooyayna dhankastaba iyagaa ah kuwa dhibku raacay, wayaanuhuna abaal uma hayo, shacabka Ogaadeeniyana way kala dhinteen.


Leave a response

Your response:

Categories